Shacabka Dalka Turkiga Oo U Codeynaayo Isbedel Lagu Sameynayo Dastuurka Dalkaasi

Waxaa maanta Malaayiin qof oo turki ay u dareereen codaynta Afti dadweyne oo loo qaadayo in isbedel lgu sameenayo dastuurka dalkaasi si awood ballaaran loo siiyo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Arintan haddii la ansixiyo waxay noqonaysaa isbedelkii ugu ballaarnaa ee dastuurka dalka Turkiga lagu sameeyo muddo hal qarno(100 sanno).

Madaxweynaha Turkiga oo khudbad u jeediyey  taageerayaashiisa ayaa ku booriyay in “EVET” oo HAA ah ay ku codeeyaan  si uu  dalka Turkiga uu u noqdo Jamhuuriyada  madaxtooyo ah isla markaasina meesha looga saaro awoodda nidaamka baaarlamaanka ee hadda jirta.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wuxuu  ku doodayaa  in loo baahan yahay in awood ballaaran oo madaxweyne la siiyo si buu yiri looga hortago caqabadaha dalka ku soo wajahan,waxaana uu meesha ka saaray in wax isbedel ah lagu samayn doonin dhidibada ay ku taagan tahay jamhuuriyaddii turkiga ee uu asaasay Mustafa Kemal Ataturk 1923dii.

Haddii aftida Haa loogu codeeyo, waxaa  la baabiin doonaan jagada ra’isul Wasaaraha oo awood badan, iyadoo bedelkeeda la magacaabi doono madaxweyne K/xigeen, wuxuu madaxweynuhu uu toos ula xiriiri doonaa xisbiyadda siyaasadeed ee dalkaasi.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa waxaa la sheegaa in mudadii 14-ka sanno ee uu xilka hayay uu  isbedel weyn ku sameeyay dhaqaalaha dalkaasi, xoriyadda diinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, Isbitaalo iyo xarumo waxbarasho oo waaweyn. iyadoo dadka ka soo horjeeda ay ku eedeeyaan inuu yahay kaligii taliye dhibaato badan u soo jiiday dalkiisa.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here