Dowladda Imaaraatka Carabta Oo Mashruuc Biyo-xireen Ka Hirgalisay Togga Xumbo-weyne Ee Bariga Hargeysa (Sawiro)

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa togga Xumbo-weyne ee bariga magaalada Hargeysa ka hirgalisay Biyo Xireenkii ugu weynaa ee abid laga dhiso deegaanada Somaliland.

Dhismaha Biyo xireenkan ayaa shacabka Somaliland ee ku dhaqan deegaanada u dhow Hargeysa ka caawin doono inay ku keydsadaan Biyaha si ay isticmaalaan xiliyada kuleylka ama xiliyada Abaaraha ee biyo la’aanta soo wajahdo gobolka geeska Afrika.

Dhismaha Biyo Xireenkan oo socday muddo 13 bilood ah ayaa waxaa fulisay hay’adda Khaliifa Bin Zayed Al-nahyan. wuxuuna keydin karaa biyo dhan 650,000 Gallon taasi oo u dhigato 2,545,810 Liter.

Waxaa xusid mudan in mashruuca ay ka mid yihiin Matoor weyn iyo dhismaha labo guri oo midkooda laga maamulayo mashruuca halka midka kalena ay degayaan ilaalada Mashruucan.

Dowladda Imaaraatka ayaa sidoo kale ku howlan dhismaha Biyo xireeno kale kuwaasoo qeyb ka ah barnaamijyada horumarineed ee dowladda Imaaraatka ka fulineyso deegaanada Somaliland.

Biyo xireen

DCIM100MEDIADJI_0026.JPG
DCIM100MEDIADJI_0026.JPG

Biyo xireen2

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here