Gudiga Gurmadka Abaaraha Maamulka K/Galbeed Oo Markale Degmooyinka Gobolada K/Galbeed Ka Qaybinaayo Raashin Gargaar

Gudiga Gurmadka Abaaraha maamulka K/Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Federalka ay ka heleen lacag dhan 150 kun dollar taasoo markale loogu talo galay inay laga qaybiyo degmooyinka maamulkaasi uu ka arimiyo.

Ku-simaha madaxweynaha K/Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka K/Galbeed Maxamed Xasan Fiqi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in degmo kasto oo gobolada K/Galbeed ka tirsan ay markale heli doonto raashin gargaar qiimahiisa dhan yahay $8400 (8kun iyo 4 boqol dollar).

Dhanka kale, Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka Abaaraha K/Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed ayaa isagana sheegay in dhaqaalaha dhanka DF ka soo gaaray ay si cadaalad ah ugu qaybin doonaan bulshada abaaraha saaeysay ee ku dhaqan deegaanada hoosyimaado gobolada maamulka K/Galbeed.

Bishii Febraayo ee sanadkan ayey gudiga gurmadka Abaaraha maamulka K/Galbeed sidan oo kale raashin gargaar ka qeybiyeen degmooyinka gobolka Shabeelaha Hoose.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here