Madaxweynaha Xiriirka Kubbadda Cagta Afrika Oo Maanta Soomaaliya Booqasho Ku Yimid

Madaxweynaha cusub ee Xiriirka Kubadda Cagta Qaaradda Afrika (CAF) Axmed Axmed ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Mas’uulkaan waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraaha khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha xiriirka K/cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab.

Axmed Axmed ayaa ah 57-sanno jir dhowaan loo doortay inuu hoggaamiyo Xiriirka Kubbadda Cagta ee qaaradda Afrika waxaa lagu waddaa inuu soo kormeero goobbo muhiim u ah cayaaraha sida Garoomada Cayaaraha ee ku yaalla dalka Soomaaliya.

Booqashada mas’uulkaan waxay noqonaysaa  mid taariikhi ah, waxayna  u gogol xaareysaa booqashadda madaxweynaha FIFA oo isna lagu waddo inuu booqasho ku yimaado dalka Soomaaliya dhowrka bil ee soo socoto, iyadoo ay noqonayso markii u horraysay muddo ku dhow 30 sanno oo madax ka socoto xiriirka kubadda cagta ee afrika uu yimaado Soomaaliya

Axmed Axmed wuxuu u dhashay dalka Madagascar, 16-kii bishii hore ee March, waxanna uu helay codad gaaraayo 34 halka Ciisa Xayaatu oo xilkaasi horay u hayay oo la tartamayay uu helay isna codad dhan 20.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here