Madaxweyne Farmaajo Oo Bogaadinta Yuusuf Indhacadde Darteed Lumin Doono Kalsoonida Shacabka Gobolka Sh/hoose

Maalmo ka hor madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa amaan kala dul dhacay dagaal-ooge Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) xili uu madaxweynaha ka qayb galaayey munaasabada 57-sano guuradii ka soo wareegatay Aasaska ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo aamaanayey Saraakiishii magaalada Muqdisho ka saartay maleeshiyada Alshabaab ayaa Yuusuf Indhacadde ku soo daray liiska Saraakiishii kaalinta muhiimka ahayd ka qaadatay in Alshabaab laga sifeeyo magaalada Muqdisho.

Arimaha la yaabka lahaa ee laga maqlay khudbadda munaasabaddaasi uu ka jeediyey madaxweyne Farmaajo ayaa ahaa Inuu is bar-bar dhig ku sameeyey dagaal-oogeYuusuf Indhacadde iyo saraakiil maqaam iyo maamuus sare ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed kuwaasoo kaalin mug leh ka qaatay in Alshabaab laga saaro magaalada Muqdisho.

Arintan uu madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay ee ah bogaadinta iyo amaanta dagaal-ooge Yuusuf Indhacadde ayaa waxaa uu ku weynayaa kalsoonida iyo taageeridda shacabka gobolka Sh/hoose ay u hayeen dowladda madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale maalintaasi ammaan kala dul dhacay Goobaale iyo Seeraar oo labaduba ka tirsanaa isbaheysigii Dooxada Jubba ee haystay magaalada Kismaayo, kuwaasi oo ku naf waayey qaraxyo ay Alshabaab u dhigeen Muqdisho iyo Dhuusamareeb.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay ku mashquulsan qancinta beelo uu uga cabsi qabo inay Kursiga ka tuuraan, wuxuuna xilal ciidan oo heer Federal ah ku safay shakhsiyaad ay ku soo jeedaha indhaha shacab badan oo ku dhaqan gobolada dalka maadaama shakhsiyaadka la magacaabay ay horey uga soo qayb qaateen dagaalada Sokeeye.

 

SHARE

2 COMMENTS

  1. a.s.c bismaali raxmaani raxiim AWOL hore waxaan salaan gaar ah aan halkaani ugu direyaah bulsho weenta somaaliyed oo adunka daafihiisa kunool tan lawaad hadaan kahadalno figrada madaxwenaha cabdulaahi farmaajo sida hada aan wado aragno qaab uu wax as uwado waxaan oran karnaa waa nidaam wanagsan ha eegina xilalka hada uus bixinaayo iyo shaqsiga aas umagacabaayo taasi waxey u dhigabtahay aduu wadanka jooga adow gajesan oo dhiiga masaakinta iney quutan ay uso diyar garoben waa in marka shaqada igu horeesa aad qawanesid wey iney ahata ka hortaga amni darada iyo kaqawashada masakiinta waxa dhiwaayo adigo cadowga dherjini sey ugu marman masakiin ay dhigooda cabayaan miyaa wax Ku qabsami kara mise kuhergali kara waa Maya su aasha jawabteda marka waxaan idinka codsanena inaa u hogaan sana wado shaqeenta madaxweynaha Cabdulahi farmaajo oo hada uuwado saan u gaarno guul iyo Gabo nimo

  2. Kkkkkkkk nin shabaab ah oo la amaanaayo farmaajo ayaan Ka arkay nin webiga biyahiisa gatay ìyo dad masaakiin gur yahood canshuur Ka qaaday taasi waxaa ii cad inuu farmaajo xaaraan lagu soo koriyey maxaa yeelay ninkii waraabe amiin Ku wacay waa Nin xaaraan cun ah farmaajo haduu QOF fiican oo wadani ah wuxuu wasiirka arimaha dibada uu siin lahaa nin ooji ah ama nin Ka soo jeeda qoomiyada tirada badan ee jareer weyne maanta jareer weyne wuxuuu dhigMaa jileec farmaajoow Ka fiirso afar lug duug aha ayaa baabuur kaaga Ku xeran viva jareer weyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here