Faahfaahin Laga Helaayo Dagaal Xaley Ka Dhacay Degmada Qoryooley Ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Waxaa Xaalad deganaansho ah laga dareemayaa degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha hoose oo xalay ay ku dagaalameen maleeshiyada Alshabaab iyo ciidamada maamulka degmada oo taageero ka helaayo ciidamada AMISOM.

Dagaalka oo mudo saacado ah socday ayaa ugu dambeyn waxaa la jebiyey maleeshiyadii Alshabaab ee weerarka ku soo qaaday degmada Qoryooley sida dadka deegaanka ay noo xaqiijiyeen.

Maamulka degmada Qoryooley ayaa sheegay inaysan dhankooda jirin wax khasaaro ah oo ka soo gaaray dagaalkii xaley ka dhacay degmada Qoryooley ee bartamaha gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaa saakey si caadi ah u shaqeynaayo xarumaha waxbarashada degmada, ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha oo sidiisii hore ah.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here