Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada Oo Markii Ugu Horeysay Xubin Ka Noqonaayo Gudiga Amniga Qaranka

Hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysey xubno ka noqonaya Guddiga Amniga Qaranka Soomaaliya, arintan waxay noqoneysaa isbadalkii ugu weynaa ee laga sameeyo dhanka amniga.

Waxaa markii hore Gudiga Amniga Qaran ka tirsanaa kaliya taliyeyaasha ciidamada federaalka iyo madaxda federaalka, sidaasi darteedna go’aamada lagu gaaro iyo xogaha looga wada hadlo waxa ay ahaayeen kuwa kooban marka lala barbardhigo xaalada dalka maanta uu ku suganyahay.

Isbadalkan cusub ee la sameeyey wuxuu saamaxayaa in guddigani uu xog rasmi ka heli karo dalka meel kasta, talaabada habboona ka qaadi karo meel kasta oo dalka ka mid ah mar haddii taasi isfaham lagala gaaro madaxweynaha maamul goboleedka ay quseyso.

Gudigan ay maamul goboleedyada xubno ka yihiin wuxuu go’aamin doonaa dhammaan howlgalada ay fulinayaan ciidamada dowladda Federalka iyadoo markii hore hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada aanay ka warheli jirin howlgalada ay fulinayaan ciidaada dowladda Federalka.

Markii madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in dalka xaalad dagaal uu ku jiro isla markaasina ciidamada DF qaadayaan hawlgal amni ayaa waxaa arrintaasi aad u saluugay madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo iyaga la yaabay sababta madaxweynaha ku ku kaliftey in uu la tashan waayohogaamiyeyaasha maamul goboleedyada ee iyaga haayo xogta rasmiga ah ee deegaanada howlgalada laga fulinaayo.

In  madaxda maamul goboleedyada ay xubin ka noqdaan Gudiga Amniga Qaranka waxay meesha ka saareysaa in ciidamada DF ay kaligooda ay weerar iskaga qaadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada sida horey u dhici jiray.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here