Booliiska Dalka Nigeria Oo Guri Ku Yaallo Magaalada Lagos Ee Dalkaasi Ka Helay Lacag Dhan 43 Milyan Dollar(Video)

Saraakiisha Ammaanka Dowladda Nigeria ayaa ku dhawaaqay in Guri ku yaallo magaalda Lagos ee dalkaasi ay ka heleen lacag dhan 43 Milyan dollar oo la aminsan yahay in halkaasi ay ku keysaden siyaasiyiin ka tirsanaa dowladdii hore ee uu Madaxweyne ka ahaa Goodluck Jonathan.

Madaxweynaha xiligan talada hayo dalka Nigeria Maxamed Bukhari ayaa markii uu xilka qabtay ku dhawaaqay inuuu baab’in doono Musuqa ragaadiyey dalkiisa isagoo amar ku bixiyey in siyaasiyiin si weyn loogu tuhunsanaa Musuqmaasuqa xukuumaddii hore aysan dalka ka bixin karin.

Hoos ka daawo lacagta ay soo bandhigeen saraakiisha Ammaanka Nigeria.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here