Faahfaahin Laga Helaayo Askari Ka Tirsan Ciidamada Jabuuti Oo Maanta Lagu Dilay Degmada Buulo Burde Ee Gobolka Hiiraan

Waxaa maanta 1-dii duhurnimo magaalada Buulo Burde nin hubeysan oo la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada DF uu toogasho ku dilay skari ka Tirsanaa Ciidamada nabad Ilaalinta Amisom ee ka socda dalka Jabuuti.

Xiliga la dilaayey askariga Jabuutiyaan la sheegay inuu ku sii jeeday xero ciidan oo ku taalla dhinaca galbeed ee magaalada Buulo burde, iyadoo askarigii dilka gaystay uu goobta ka baxsaday.

Ciidamadda Dalka Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxay ka howlgalaan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaliya, waxayna saldhigyo ku leeyihiin degmooyinka Beledweyne, Buulo Burde iyo Jalalaqsi.

Ciidadama Jabuuti ayaa ah ciidamada kaliya ee ka tirsan howlgalka AMISOM kuwaasoo si weyn ugu hilmaamay bulshada Soomaaliyeed ee ay la joogaan.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here