Madaxda DF Iyo Maamul Goboleedyada Dalka Oo Heshiis Ka Gaaray Tirada Iyo Noocyada Ciidan Ee Dalka Soomaaliya Loo Dhisaayo(Warbixin)

Shir ay si wadajir ugu yeesheen magaaladda Muqdisho madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyadda ayaa lagu jaan-gooyey tirada iyo noocyada ciidan ee dowladda Somaaliya dhisaneyso.

Kulankan xoogga lagu saaray Arimaha Ciidamada Soomaaliya ay dhisaneyso ayaa qaby wuxuu ka ahaa Shirkii Madaxda DF iyo Maamul Goboleedyada Muqdisho ku yeesheen 15-ka ilaa 16-ka bisha April.

Madaxda Muqdisho ku shiray ayaa isku af-gartay in qaab-dhismeedka Ciidamada Soomaaliya uu noqdo mid ka kooban:  Ciidamada Lugta(Infantry), Ciidamada Cirka(Air Force) iyo Ciidamada Badda(Navy).

Sidoo kale, madaxda shirkaasi ka qayb gashay waxay isku waafaqeen in tiradda guud ee ciidamada Milateriga noqot 18,000 (Toban iyo Sideed kun) askari iyo ciidamo si gaar ah u tababaran oo tiradooda noqoneyso 4,000 kun(Afar Kun) askari.

Dhanka kale, ciidamada Nabad gelyada ayaa waxay madaxda DF ku heshiiyeen in tiradooda noqoto  32 Kun askari oo Booliis ah isla markaasina ka howgali doono dhammaan degmooyinka mamaul goboleedyada Dalka Soomaaliya. Waxaanan weli go’aan rasmi ah laga gaarin tirada ciidamada Nabadsugdda oo hadda marba meel ka howlgalo.

Madaxda Dowladda Federalka iyo Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa xiligan aminsan in dowladihii Kumeel Gaarka ahaa iyo dowladdii ugu dambeysay ee Xasan Sheekh ay ku guuldareysteen in dalka Soomaaliya ka dhisaan ciidamo Milateri iyo Booliis ah oo lagu amini karo amniga shacabka Soomaaliyeed.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here