Madaxweyne Farmaajo Oo Kulamo Lagu Dhexdhexaadiyo Maamulka GalMudug Iyo Hogaamiyaha Ahlsunnada Gobolada Dhexe Ka Bilaabay Muqdisho (Sawiro)

Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo maalmihii u dambeeyey waday waan-waan xal loogu raadinaayo khilaafyada ka jiro deegaanada Galmudug ayaa kulan la qaatay Wafdiga kooxda Ahlusunnada gobolada Dhexe Sh. Maxamed Shaakir.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Arimaha Federalka Mr. Cabdi Faarax Juxa ayaa sidoo kale qayb ka ahaa kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo kooxda Ahlusunna ee sida adag uga soo horjeedo in maamulka GalMudug la gaarsiiyo degmooyinka Dhuusamareeb iyo Matabaan.

Dowladda Federalka ayaa dooneyso in Muwaafaqo ay ka dhex dhaliso Ahlusunnaha gobolada Dhexe iyo Maamulka GalMudug ka hor inta aan la gaarin doorashada madaxweynaha GalMudug oo lagu wado inay qabsoonto bishan April 30-keeda.

 

Farmaajo Iyo Kulanka Ahlusunna Farmaajo Iyo Kulanka Ahlusunna1 Farmaajo Iyo Kulanka Ahlusunna2 Farmaajo Iyo Kulanka Ahlusunna3 Farmaajo Iyo Kulanka Ahlusunna4 Farmaajo Iyo Kulanka Ahlusunna5

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here