Warsaxaafadeed: Maamulka HirShabeelle Oo Si Diiran U Soo Dhaweeyey In Qaadkii Ka Soo Degi Jiray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Loo Wareejiyo Garoonka Degmada Jowhar

Wasiirka Warfaafinta maamulka Hirshabeelle Mahad Xasan Cismaan ayaa si diiran u soo dhaweeyey in ganacsatada Qaadka ee ka soo cararay Canshuurta Wasaaradda Maaliyadda DF ay Qaadkooda kala soo degaan degmada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle.

Qaadkii ka soo degi jiray garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa lagu soo rogay canshuur dhan 53 kun Shilin Soomaali halkii Kiilogaraam taasoo ay aad uga soo horjeesteen ganacsatada Qaadka Muqdisho.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo  baxay xafiiska Wasaaradda Warfaafinta Maamulka HirShabeelle

Hir Shabeelle

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here