Wasaaradda Maaliyadda DF Oo Qaaday Talaabadii Ugu Wanaagsaneyd Ee Muqdisho Looga Yareyayo Khatarta Maan-dooriyaha Qaadka

Wasaaradda Maaliyadda dowladda federalka ayaa qaaday talaabadii ugu horeysay ee lagu yareynaayo khatarta uu leeyahay Maandooriyaha Qaadka ee maalin walbo diyaarado lagu soo geliyo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa ganacsatada Qaadka ku soo rogtay in halkii Kiilogaram ee maandooriyaha Qaadka ay ka bixiyaan canshuur dhan 53 Shilin Soomaali.

Ganacsatadii Qaadka kala soo degi jiray garoonka diyaaradaha Muqdisho oo gadoodsan ayaa maanta diyaaradihii Muqdisho Qaadka keeni jiray u weeciyey dhanka degmada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle.

Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federalka ayaa la sheegay in arintan ay uga dan leedahay in caasimmadda Soomaaliya laga hakiyo maandooriyaha Qaadka oo dhibaato ba’an ku haayo bulshada Soomaaliyeed ee Caasimadda dalka ku nool.

Dhanka kale, ganacsatada Qaadka ayaa weli rajo ka qabo in Muqdishay keenaan Qaadka iyagoo dhulka soo marinaayo maadaama Wasaaradda Maaliyadda aysan Kastam shaqeeyo ku lahayn wadooyinka soo galo magaalada Muqdisho.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here