Askarigii Ciidamada DF Ka Tirsanaa Ee Maalmo Ka Hor Dilay Askari Jabuutiyaan Ah Oo Isagana Caawa La Dilay

Wararka laga helaayo degmada Buuloburte ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada DF oo oo maalmo ka hor toogasho ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM.

Askariga caawa la dilay ayaa ku geeriyooday howlgal lagu qaaday guri uu ku dhuumaaleysanaayey kadib markii uu rasaas kala horyimid ciidamo doonayey inay gacanta ku soo dhigaan si cadaaladda loo horkeeno.

Shaley waxaa degmada Buulo Burde soo gaaray madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cosoble iyo Taliyaha ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM si ay u qaboojiyaan xiisad ka dhalatay dilka askariga Jabuuti oo u dhexeysay Ciidamada Jabuuti oo dhammaan guutadii uu ka tirsanaa askariga ciidamada DF ee dilay Askariga reer Jabuuti ku tuhmeysay inay Shabaab yihiin.

Ciidamada Jabuuti oo aad u dhexgali jiray bulshada gobolka Hiiraan ayaa hadda bilaabay inay ku koobnaadaan xeryahooda kadib markii la dilay askari isla markaasina guutadii ciidamada DF ee uu ka tirsanaa askariga gacan ku dhiiglaha ay isku dayeen inay dafiraan dilka uu geystay saaxiibkooda.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here