Dhageyso Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Degmada Qoryooley Ee Gobolka Sh/hoose

Wararka laga helayo degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta uu halkaasi ka dhacay Qarax ay ku dhaawacmeen 6 qof oo rayid ah.

Qaraxa oo ka dhacay meel Maqaayad ah ayaa loo malaynayaa in meesha hore loogu sii diyaariyey dhabarka dambe ee maqaayada, waxaana uu dhacay xilli maqaayadda ay dad badan ka cunteynayeen.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa qarxyada noocaan ah ku rakibo goobaha dadka shacabka ay ku nastaan.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here