Dowladda Turkiga Oo 10 Milyan Dollar Ugu Deeqay Dowladda Somalia Si Ay Ugu Kabto Miisaaniyadda …

Wadanka Turkiga ayaa dowlada Somalia ugu deeqay lacag dhan 10 milayn oo doolar oo loogu talo galay in lagu kabo miisaaniyada dowlada fadaraalka Somalia.

Waxaa lacagtan lagu shubay Bangiga dhexe ee Somalia, waxayna noqoneysaa lacag kab ah oo ayaa la sheegay inay tahay kab miisaaniyadeed 5 bilood ah iyadoo bilkasta Turkigu bixiyay kab dhan 2 milyan oo doolar.

Ra’iisulwasaaraha cusub ee Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa Turkiga uga mahad celiyay deeqdan, wuxuuna sheegay in dalka Turkiga yahay walaal dhab ah oo fahamsan duruufaha dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre sheegay in lacagtan aysan wada dabooli karin baahida dowlada iyo tan shacabka balse ay tahay biloow wanaagsan isagoo dalalka kale ee deeqda bixiyo ugu baaqay inay ka qeyb qaataan bixinta waxyaabaha ka harsan miisaaniyada dowlada Soomaaliya.

Ma la garanaayo sida dowladda Soomaaliya ay isku waafajin doonto siyaasadaha is-diidan ee dalka Turkiga iyo beesha Caalamka maadaama Mareykanka iyo Midowga Yurub ay doonayaan in Turkiga laga fogeeyo siyaasadda Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here