Magaalada Kismaayo Oo Loo Aqoonsaday Caasimadda Ganacsiga Soomaaliya

Magaalada Kismaayo oo ahayd magaalooyinkii sida weyn uu u saameeyey hardankii dagaalada Sookeeye iyo hogaamiye kooxeedyada ayaa si xowli ah u soo kabsatay tan iyo markii la sameeyey maamulka Jubbaland.

Waxaa booqasho ku tagay Kismaayo gudoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed Cabdikariim Gabeyre oo sheegay in Kismaayo loo aqoonsaday xarunta ganacsiga Soomaaliya.

Mr. Gabeyre ayaa ka hadlayay shirweyne ay isugu yimaadeen ganacsatada Soomaaliyeed oo magaalada Kismaayo lagu qabtay.

Waxaa Shirweynaha ganacsiga soo qaban qaabiyey Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland isla markaasina ah xoghayaha guud ee rugta ganacsiga Soomaaliyeed Shaafi Raabbi Kaahin.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here