Ujeedada Safarka Madaxweynaha Puntland Uu Ugu Ambaxay Dalka Itoobiya Kadib Shirkii Muqdisho

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Gaas ayaa shaley safar ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya.

Dr. Gaas oo aan wax badan laga ogeynin ajendaha safarkiisa ayaa la sheegayaa inuu ka qayb gali doono Shirka Madaxda  Afrika ee Tana Forum oo lagu qabanaayo magaalada Bahar-dahar ee dalkaasi.

Tana Forum waxaa uu u dhexeeyaa madaxda Qaarada Africa, waxaana lagaga hadlaa xiriirada wadamada Qaarada Africa, nabadgelyada, Siyaasadda, waxaa uu shirka Tana Forum socon donaa mudo laba maalin ah.

Ma la garanaayo in dowladda Federalka ka qayb galeyso shirkaasi iyo in kale, waxaa inta badan shirkan ka qayb galo mas’uuliyiin sir rasmi ah dalka Itoobiya loogu casuumo.ga

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here