Weerar Ka Dhacay Dalka Faransiiska Oo Lagu Dilay Askari Booliis Ah Iyo Sadex Kale Oo La Dhaawacay(Sawiro)

Weerar ka dhacay magaalada Paris ee caasimadda dalka France ayaa lagu dilay mid kamid ah ciidanka Booliska Faransiiska halka saddex qof oo kalena la dhaawacay.

Toogashada ayaa ka dhacday fagaaraha Champs Elysées oo la sheego inay tahay meelaha aduunka ugu quruxda badan isla markaasina ku taallo bartamaha magaalada Paris. Booliiska ayaa toogtay ninkii weerarka geystay.

Labo ka mid ah askartii Booliska ee weerarka ku dhaawacmay ayey dhaqaatiirta shegeen in xaaladooda culustahay. Qofka 3ad ee weerarka ku dhaawacmay ayaa ahayd haweeney dalxiise oo aan weli la shaacinin dalka ay u dhalatey.

Ururka DAACISH oo sheegay sheegtay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaciyey inuu fuliyey nin ay ku magacaabeen Abu Yusuf al-Biljiiki, taasi oo macnaheedu yahay in uu haystey deganaasho dalka Biljimka ah.Paris attack4

Paris attack3

 

Paris attack Paris attack1 Paris attack2

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here