Dowladda Federalka Oo Mamnuucday In Degmada Jowhar Laga Dejiyo Qaadkii Lagala Cararay Canshuurta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Dowladda Federalka ayaa maquunisay ganacsatadii Qaadka ee labo maalin Qaad ka soo dejineysay degmada Jowhar kadib markii ay ka carareen Canshuurta garoonka diyaaradaha Muqdisho oo lagu kordhiyey Qaadka.

Dowladda Federalka oo aan wax qoraal rasmi ah ka soo saarin mamnuucidda Qaadkii Jowhar ka degaayey maalmihii la soo dhaafay ayaa la sheegayaa inay fariin hoos ka taabasho ah gaarsiisay ganacsatada Qaadka oo dhowr diyaaradood oo Qaad ah keeni jiray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha maamulka HirShabeelle oo aad uga carooday in diyaaradaha Qaadka laga mamnuuo Jowhar ayaa warbaahinta kaga goodiyey Wasaarada Maaliyadda iyo Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka oo lahayd amarka lagu joojiyey qaaka labada maalin Jowhar u soo wareegay.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka C/raxmaan Dheere oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wasaaradda ay joojisay ganacsato canshuur kala soo carartay Muqdisho oo Jowhar timid, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey in Jowhar uu weligeed ka degi jiray Qaadka laga cuno deegaanadaas.

Dowladda federalka ayaan ilaa hadda lahaynin Kastam lagu qaado Canshuuraha Barriga taasoo fududeyn lahayn in xurnimo dheeraad ah la siiyo ganacsatada isla markaasina dowladda Federalka ay kastamyada ku qaaddo isla canshuurta lagu qaado garoomada diyaaradaha dalka.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here