Maxaa Lagu Qoonsaday Wariye Catoosh Oo Xirtay Jaakadda Rasaasta Celiso Isagoo Muuqaal Ka Diraayo Wadooyinka Muqdisho?

Wariye Cabdirisaaq Xaaji Catoosh oo u shaqeeyo laanta Soomaaliga ee BBC-da ayaa shaley soo dhigay bartiisa Facebook sawir isaga oo xiran jaakada rasaasta celisa (Bullet Proof Jacket) isla markaasina Muqdisho warbixin muuqaal ah ka soo diraayey.

Xirashada Jaakadda aan Rasaasta karin ee wariye Catoosh ayaa saacadihii ugu dambeeyey si weyn loogu hadalhaayey baraha bulshada.

Wariye C/risaaq Catoosha oo taagan KM4 magaalada Xamar ayaa sawirkan iska qaaday xili uu duubayay muuqaal la xiriira caasimada, una diyaarinayay taleefishin cusub oo laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da lagu soo kordhiyey.

Waxaa Sawirkan qoonsaday dad badan oo aan fahamsaneynin xeerarka shaqo ee warbaahinta BBC-da, waxaa dadka qoonsaday ka mid ahaa gudoomiyaha cusub gobolka Banaadir Thabit oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, waxayna wariye Catoosh ku eedeeyeen in uu sawir qaldan ka bixinayo Muqdisho oo muujinayo meel amni daro ay ka jirto oo jaakadaha xabbada celiya loo xirto.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa waxay shardi uga dhigaan shaqaalahooda ka howlgalaayo meelaha xasaradaha ka jiraan ama ay suurto gal tahay in ay wax ka dhacaan inay xirtaan jaakada rasaasta celiyo si aan loo dhibaateynin.

Waxaa marag madoonto ah in todobaadyadii ugu dambeeyey ay caasimada Muqdisho ka dhacayeen qaraxyo joogto ah, horeyna waxaa u jirtey in wariyeyaal badan Xamar lagu laayay, waxayna arimahan oo dhan cadeyn u yihiin in wariye Catoosh uu ku saxan yahay xirashada Jaakadda aan Rasaasta karin marka uu Muuqaal ka diraayo wadooyinka Muqdisho.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here