Qaabka Maamul Goboleedyada U Qaybsadeen Ciidamada Milateriga Ee Loo Sameynayo Dalka Soomaaliya

Shirkii dhawaan Muqdisho ku dhexmaray madaxda Dowladda Federalka iyo Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa la isku waafaqay Qaabka iyo naqshada loo dhisayo ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Ciidamada hadda dowladda Mushaarka siiso waa mid haybtooda hal beel u badan tahay ama deegaano gaar ah u badan, waxayna badankooda horey uga tirsanaan jireen maleeshiyo beeleedyadii dalka ku dagaalamay iyo kuwii hogaamiye kooxeedyada, waxaa sidoo kale madaxda kulanka isku marqaati fureen in shacabka gobolada qaarkood ay aamin baxeen ciidamada magaca Dowladda Federalka ku shaqeynaayey sanadihii la soo dhaafay.

Dowladda Federalka iyo maamul goboleedyada dalka ayaa shirkii ugu dambeeyey isku waafaqay in la dhisaayo 18 kun askari oo ciidamada xoogga dalka ah, maamul goboleed kastana laga keenayo 3 kun askari.

Waxaa sidoo kale la dhisayaa ciidamo si gaar ah u tabobaran oo sirdoon ah, kuwaasi oo maamul goboleed kasta laga keenayo 500 askari, waxaana ciidankan qarashkooda bixineysa dawladda Maraykanka.

Arintaan waxaa si weyn u soo dhaweeyey bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan marka laga reebo beelaha gobolada dhexe qaarkood oo iyaga saluugsan hannaankan cusub ee ciidamada loo dhisaayo maadaama sanadihii la soo dhaafay magaca ciidamada Milateriga DF u adeegsanayeen dagaallo dhulbalaarsi oo ka socday gobolada dalka gaar ahaan gobolka Sh/hoose.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here