Dhageyso Askar Badan Ayaa Puntland Uga Geeriyootay Qarax Lagula Eegtay Buuraha Galgala

Ciidamo ka Tirsan Daraawiishta Puntland ayaa ku dhintay Qarax maanta ka dhacay Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari.

Cabdiraxmaan Faarax Gurxan oo ka tirsan saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa warbaahinta SBC u xaqiijiyey in 9-kamid ah askarta Puntland ay ku dhinteen Qaraxa oo haleelay gaari ay saarnaayeen.

Askar kale oo dhaawacyo kala duwan qabo ayaa la dhigay Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso halkaasoo xaaladooda caafimaad lagu baxnaaninaayo.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here