Dowladda Ingiriiska Oo Malaayiin Dollar Ugu Deeqday Dowladda Federalka Soomaaliya

Iyadoo dhowaan lagu wado in magaaladda London lagu qabto shir laga taageerayo dowladda Soomaaliya ayaa waxaa dowladda Ingiriisku ku dhawaaqday inay Soomaaliya ku taageereyso lacag gaaraysa 30 Milyan oo dollar ah. Lacagtan ayaa waxaa loogu talo galay in lagu bixiyo tababarka iyo dib u dhiska ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya. 

Dowladda Ingiriiska oo si weyn u soo dhaweysay qodobada ka soo baxay shirkii madaxda dowladda federalka iyo Maamul goboleedyada kaasoo lagu go’aamiyey in dalka Soomaaliya lo dhiso 18 kun Milateri iyo 32 kun Booliis ah.

Dowladda Ingiriiska waxay sheegeen in deeqdan cusub ay qayb ka tahay sanduuqa kaalmada ee ay Soomaaliya ugu talagashay boqortooyada Ingiriiska, waxayna tilmaameen  in kaalin muuqata ay ka qaadan  doonaan tababarada ciidamadda Soomaaliya, iyagoo tababarayaal ciidan u soo diray Soomaaliya, kuwasoo tababaro siinaya Ciidamada Soomaalida iyo Kuwa Midowga Afrika ee Soomaaliya ka howlgala, waxay kaloo ka qaybqaadanayaa xasilinta dalka iyo ka hortega xagjirnimada.

Dowladda Federalka waxaa ajendaheeda Shirka London kaalinta 1aad ugu jiro Amniga iyo xasilinta dalka, shirkaas oo furmaya 11 bisha May ee soo socoto.

Waxaa sidoo kale Shirka London xoog lagu saari doonaa sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa doorasho Qof iyo Cod ah oo la filaayo inay dalka ka qabsoonto sanadka 2020ka.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here