Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Safarkiisa Ugu Horeeyey Ee Dalka Gudahiisa Ah Ku Tagayo Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Dowladda  Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta lagu wadaa inay booqdaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Waxaa Ciidamo badan saakey la dhigay wadooyinka Baydhabo kuwasoo  si weyn u sugaya Amaanka magaalada oo uu ku soo wajahan yahay madaxweyne Farmaajo, waxaana wadooyinka magaalada Baydhabo lagu arkayay dadweyne aad u fara badan kuwaasi oo isku diyaarinaya soo dhaweynta Madaxweynaha soomaaliya.

Wasiirka Gargaarka iyo Arimaha bini’aadanimada Marwo Maryan Qaasim ayaa madaxweyne Farmaajo ku weheliso safarka maanta, waxayna kulamo la qaadan doonaan Madaxda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Baydhabo.

Ujeedada socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Baydhabo ayaa lagu sheegay inuu ku qotomo u kuur galida xaaladaha Abaareed ee ee ka jiro gobolada Bay iyo Bakool oo ka mid ah meelaha dadka ugu badan ugu geeriyoodeen abaaradaha dartood.

Waa safarkii ugu horeeyey ee dalka gudahiisa ah ee uu madaxweyne Farmaajo galo tan iyo markii xilka madaxweynaha Soomaaliya loo dhiibay.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here