Madaxweyne Farmaajo Oo Goordhow Gaaray Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Bay.

Waxaa madaxwweyne Farmaajo ku soo dhaweyey Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud Intl Airport Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa si weyn loo adkeeyey Amaanka magaalada Baydhabo oo ay sugayaan ciidamada amaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo gacan ka helaayo ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM.

Waxaa madaxweyne Farmaajo loo galbiyey madaxtooyada madaxtooyada magaalada Baydhabo halkaasoo kulamo uu kula qaadan doono madaxda maamulka Koonfur Galbeed.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here