Dhageyso Qaar Ka Tirsan Wasiirada Dowladdii Xasan Sheekh Oo Saluugsay Qaabka Maamul Goboleedyada U Qaybsadeen Ciidamada Soomaaliya Yeelaneyso

Qaar ka mid ah Wasiiradii ka tirsanaa dowladdii waqtigeeda dhamaaday ee Xasan Sheekh ayaa maalmihii lasoo dhaafay hadalo xanaf leh siinaayey saxaafada qaybaheeda kala duwan ee dalka ka shaqeeyo. Mas’uuliyiintaan ayaa waxay doodahooda ku qotontaa in Ciidamada Milateriga DF lagu dhaafo sida uu hadda u dhisan yahay.

Wasiirkii hore ee Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo sheegey in ciidamada ay tabobaraan Imaaraadka Carabka aysan ka amar qaadanin taliska ciidamada guud, ayna jireen isku dhacyo badan iyo caqabado. Ciidamada uu tababaray dalka Imaaraatka ayaa waxaa ku badan beelaha dego gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya taasoo ah meelaha ay ka gubanayaan mas’uuliyiinta qaarkood.

“Imaaraadka Carabta waa sax xero ciidan ayay ku leeyihiin Muqdisho, laakiin ciidamada tababarka loo dhameeyay, waxay awaamiirta ka qaataan Imaaraadka, inkastoo Ciidamo Soomaaliyeed yihiin, balse uma dhega nugla Taliska Ciidanka, intii aan Wasiirka ahaa, waxaa jiray isku dhac iyaga, Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska dhex martay, is faham la’aanta jirta ayay qeyb ka tahay”ayuu yiri Wasiirkii hore ee Amniga.

Cabdirisaaq Cumar waa sidoo kale waxaa uu aad u dhaliilay shirka London ee bisha May la qaban dono, isaga oo sharci daro ku tilmaamay in ciidamada xoogga dalka lagu soo koobo 18 kun.

Dhanka kale, Mahad Salaad oo ahaa wasiirkii hore ee madaxtooyada dowladdii Xasan Sheekh ayaa sheegey in shirka London uu yahay qiyaano qaran, isaga oo xusey in sida maamul goboleedyada loogu qeybiyey ciidamada xoogga dalka ay ka hor imanayso qaranimada dalka.

Isku soo wada duuduuboo, labadan mas’uul ee ka tirsanaa dowladdii Xasan Sheekh ayaa u muuqdo inay ilkaha ku difaacayaan ciidamada militariga DF ee hadda jira kuwaaso u badan hal beel isla markaasina qaato mushaaraatka beesha Caalamka ugu deeqdo ciidamada Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here