Maamulka Gobolka Banaadir Oo Maanta Xubno Cusub Lagu Soo Kordhiyey(Akhriso)

Todobaad ka hor ayaa waxaa gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho loo magacaabay Thaabit Abdi Mohamed.

Waxaa maanta la dhameystiray maamulka gobolka BAnaadir iyadoo la magacaabay gudoomiye kuxigeeno cusub oo lagu bedelaayo mas’uuliyiintii hore ee gobolka Banaadir.

Hoos ka akhriso mas’uuliyiinta cusub ee maanta lagu dhameystiray gobolka Banaadir.

1- Marwo Muluuka Dheere Sheekh C/qaadir – waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda.

2- Mudane Saalax Sh.Maxmaed – waxaa loo Magacaabay Guddoomiye ku Xigeenka Siyaasada iyo Amniga.

3- Mudane C/llaahi Xaaji Erig – waxaa lo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshadda.

4- Mudane Aadan Sh Cali – waxaa loomagacaabay Guddoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud. 

5- Marwo Subeyda Maxamed Mukhtaar – waxaa loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir. 

Arinta xiisaha leh ayaa ah in maamulka cusub ee gobolka Banaadir ay ku jiraan labo dumar taasoo dhadhan fiican u yeeleyso isbedelka cusub ee maamulka gobolka Banaadir.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here