Madaxweynaha Jubbaland Oo Tababar U Soo Xiray In Ka Badan 200 Askari Oo Ka Mid Noqonaayo Booliiska Jubbaland(Sawiro)

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta tababar u soo xiray 201 askari oo la sheegay inay yihiin dufcadii Sadexaad ee ka mid noqoneyso Ciidamada Booliska Jubbaland.

Ciidamadan ayaa waxay mudo Sadex bilood ah tababar ku qaateen Akadeemiyada tababarka Ciidanka Booliska Jubbaland ee duleedka magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, munaasabadda tababarka lagu soo xiraayey waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira.

 

 

JL0 JL1 JL2 JL3 JL4 JL5 JL6 JL7 JL8 JL9 JL10 JL11 JL12

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here