Madaxweyne Farmaajo Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Qoyska Marxuumkii Shaley Ay Jiireen Gawaari Galbineysay Madaxweynaha (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta gelinkii dambe Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Qoyska Tahliil Jimcaale Hubane oo shaley u jiireen gawaari galbineysay Madaxweynaha oo xiligaas ku sii jeeday magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay qoyska Marxuum Tahliil ayaa u tacsiyeeyey qoyska, waxayna sheegeen in la xiray Askarigii kaxeynaayey gaariga isla markaasina baaritaan uu ku socdo si loo ogaado sababaha shilka keenay.

“Marxuumka naxariistii Janno Alle Haka Waraabiyo, Qadar ayuu ku dhintay, Dowladda Soomaaliya Way ka garaabeysaa Geerida Marxuumka, Ehelkana waan la qeybsanayaa tiiraanyada, sida uu shilku ku dhacay baaris ayaa ku socoto waxaana idiin ballanqaadayaa in xuquuqda marxuumka aysan dowladdu meel cidlo ah kaga dhaaqiqo doonin”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Cabdi Jimcaale Hubane oo walaal la ah marxuumka geeriyday oo goobta ka hadlay ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey sida maamuuska leh ee uu u qaabilay, Wuxuuna bogaadiyey talaabada madaxweyne Farmaajo uu qaaday.

Tacsida Marxuum Tahlil Tacsida Marxuum Tahlil1 Tacsida Marxuum Tahlil2 Tacsida Marxuum Tahlil3

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here