Madaxweyne Farmaajo Iyo Wafdi Uu Hogaaminaayo Oo Goordhow Gaaray Dalka Turkiga

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi “Farmaajo”  ayaa u ambabaxay dalka Turkiga oo uu casuumad rasmi ah ka helay madaxweynaha dakja turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Wafdiga madaxweyne Farmaajo ayaa la xaqiijinayaa in goordhow ay ka degteen garoonka Diyaaradaha ee Ataturk International Airport ee magaalada Istanbul.

Madaxweynaha Farmaajo oo saddex maalmood soo joogi doono dalka Turkiga ayaa waxaa lagu wadaa inuu kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo qayb ka ah wafdiga madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Madaxda labada dowladooda ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo iskaashiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr booqasho dalka dibaddiisa ah galay xili uuan dhameysanin 100-ka maalin ee ugu horeyso madaxtinimadiisa.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here