Maleeshiyada Alshabaab Oo Mooryaanta Swisso Kalmo Ka Joojiyey Lacagihii Ay Ka Qaadi Jireen Gaadiidka Dadweynaha Magaalada Marka

Maleeshiyada Alshabaab ee maamula qeybo ka mid ah magaalada Marka ayaa amaro cusub kusoo rogey Gaadiidka dadweynaha ee isticmaala magaalada.

Amarkan oo si gaar ah u saamenaya Mooryaanta Habargidir ayaa wadayaasha Gaadiidka ee magaalada ka shaqeysa lagu amrey in wax lacago ah ay bixin karin marka laga reebo $10 (Toban doolar) oo ay ku qaataan deegaanka Gendershe.

Warkan ayaa soo baxey saacadihii dambe ee shalay, waxaana maanta Gaadiidleyda ay joojiiyeen dhamaan lacagihii ay bixin jireen ee ay qaadanayeen Mooryaanta Habargidir ee haraadiga ku ah magaalada Marka islamarkaana Alshabaab ku garabsiinaya Gumaadka Shacabka.

Lacagaha la joojiyey ayaa qaadistooda waxa qaabilsanaa laba kaarle lagu magacaabo Farey kaas oo Gaadiika ka shaqeeya Xeebta ka qaadi jirey lacag dhan $10, oo gaari kasta uu ku xukunnaa marka uu soo galo magaalada, Farey ayaa sidoo kale ahaa diiwaan geliyaha Gaadiidka magaalada, waxaana shaqadaas u xil saartey Alshabaab

Sidoo kale amarka kasoo baxey Maleeshiyada Alshabaab ee la dul dhigey Mooryaanta ayaa waxa ka mid ah in ay qaadaan Isbaaro u taalla dhismaha ay xoogga ku degenyihiin ee Burcadbadeedda halkaas oo ay ku qaataan lacago kale oo baad ah.

Lama oga halka arintan ku dambeyn doonto waxaana jira isweydiimo badan oo la xiriirta xiriirka sii xumaanaya ee soo kala dhex galey kooxdan dulmiga ku bahoobey.

Bilihii lasoo dhaafey Maleeshiyada Alshabaab ayaa amaro dul dhigey Mooryaanta, waxaana ka mid ahaa in ay joojiyaan qaadidda lacagaha Baadda ee ay ku sheegaan Canshuur ee laga qaadi jirey Ganacsatada magaalada, in magaalada Gudaheeda gaar ahaan inta Waqooyi bari ka xiga Wadada wajeer ay ku qaadan karin wax Hub ah iyo in ay shaqa ku laheyn dhacda kasta oo ka dhacda inta ka baxsan meelaha ay ku hubeysanyihiin sida sida Swiss kalmo, Cosve iyo Burcad badeed, intaas wixii kasoo haro oo xukunkeeda la weydiinayo Alshabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here