5 Qof Oo Shacab Ah Ayaa Ku Dhintay Dagaal Goordhow Ciidamada Dowladda Ku Dhexmaray Magaalada Muqdisho

Inta la xaqiijiyay 5 qof oo shacab ahaa ayaa ku geeriyooday dagaal dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya oo ku dagaalamay Beerta qaadka ee Degmada hodan ee Gobolka banaadir.

Goobjoogeyaal ku Suuqa Beerta qaadka ee Degmada hodan oo siyaabo kala duwan warbaahinta ula hadlay  ayaa xaqiijiyay in labada ciidan ee dagaalamay uu muran soo kala dhex galay islamarkaana ay israsaaseeyeen, taasina ay dhalisay dhimashada 5 qof oo shacab ahaa.

Ciidamadii dagaalamay ayaa la kala qaaday kadib markii goobta ay soo gaaren Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan ciidamo kala u jeedo ah oo dhammaantooda magacyo iyo darajooyin kala duwan mushaar uga qaato dowladda Federalka.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here