Dhageyso Faa’iso C/rashiid(Furqaan) Oo Dalka Jarmalka Arimo Caafimaad Loogu Qaadayo Ayaa Warbaahinta La Hadashay

Faa’iso Cabdirashiid Cusmaan oo ku magac dheer (Furqaan) isla markaasina ka tirsan ciidamada dowladda Federalka ayaa shil ay gashay waxay kaga jabtay Laf dhabarta(Spinal Cord).

Waxaa goor sii horeysay dhaawaceeda loo qaaday dalka Turkiga si halkaaso loogu soo daweeyo, balse wax waa looga qaban waayay Turkig, dhaqaatiirta Turkiga waxay sheegeen in Furqaan Dawadeeda laga heli karo dalal uu ka mid yahay dalka Jarmalka.

Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo ayaa hadda u soo dhameysay Isbitaal ku yaalo dalka Jarmaalka si xaaladeeda Caafimaad wax looga qabto.

Faa’iso oo warbaahinta Danan la hadashay ayaa dareenkeeda cabirtay kadib markii loo ogolaaday in Caafimaad loogu qaado dalka Jarmalka.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here