Wiil Soomaali Ah Oo Fal Burcad-badeenimo Lagu Soo Eedeeyey Oo Xukun Adag Lagu Riday Dalka Mareykanka

Maxkamad ku taallo dalka Mareykanka xukun adag ku riday Burcad-badeed Soomaali ah kuwaasoo lagu soo eedeeyey inay weerar ku qaadeen Markab ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka sanadii 2010-ka.

Mid ka mid ragga la xukumay oo lagu magacaabo Maxamed Faarax oo 31 sano jir ah ayaa lagu xukumay xabsi daa’in iyadoo xeer ilaalinta ay ninkan ku soo oogeen dambi ah inuu weerar hubeysan ku qaaday markabka USS Ashland oo maraayey Gacanka Cadan.

Sidoo kale, Saddex dhalinyaro Soomaali ah oo kale ayaa dalka Mareykanka waxaa horey loogu xukumay xabsi daa’in halka laba qof lagu xukumay 15 sano iyo 33 sano oo xabsi ah.

Dhalinyaro farabadan oo Soomaali ayaa ku xiran dalal kala duwan oo aduunka ka tirsan kuwaasoo lagu soo eedeeyey dambiyo la xiriiro burcad-badeednimo.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here