Xasan Daahir Aweys Oo Muuqaal Uu Ku Sharaxaayo Afkaartiisa Xagjirnimo Ka Soo Diray Magaalada Muqdisho (Video)

Xasan Daahir Aweys oo dowladda Federalka ugu jiro Xabsi Guri ayaa fariin muuqaal ah soo diray taasoo uu kaga hadlaayo arimo dhowr ah oo Diinta Islaamka ku saabsan.

Afkaaraha xagjirmo ee uu aminsan yahay Xasan Daahir Aweys waxay khatar gelisay nolosha shacabka Soomaaliyeed isla markaasina waxay horseeday in kumanaan dhalinyaro Soomaaliyeed ay ku geeriyoodaan dagaallo aysan garaneynin hadafka laga leeyahay.

Dowladda Federalka ayaa inta badan toogasho ku fuliso dhalinyaro badan oo Shabaabnimo lagu soo eedeeyey iyadoo Odeyaashii dhalinyaradaasi marin habaabiyey ee gacanta dowladda ku jiro ay  u kireysay guryo qalabeysan isla markaasina u sameysay Ilaalo gaar ah oo amnigooda sugo.

Ma la garanaayo cidda u fududeysay Xasan Daahir inuu markale fariimahiisa xagjirnimada u soo diro bulshada soomaaliyeed.

Hoos ka daawo muuqaalka cusub ee Xasan Daahir

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here