Gudiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland Oo Bilaabay Qaybinta Kaararka Codbixinta Doorashooyinka Somaliland

Guddiga doorashooyinka Qarnka Somaliland ayaa gobolada dalkaas ka billaabay bixinta kaararka Codbixinta doorashada Somaliland.

12 xarun oo ku kala yaallo Gobolada Awdal, Saaxil iyo Sanaag ayaa ilaa hadda la sheegay in si rasmi ah looga bilaabay bixinta kaararka codbixiyeesha doorasadda Somaliland.

Sidoo kale, Guddiga doorashooyinka iyo hogaamiyeyaasha xisbiyadda siyaasadda ee Soomaaliland ayaa ku sugnaa goobaha lugu shaaciyay in la bilaabay bixinta kaararka codeynta doorashooyinka oo la doonaayo in shacabka dhammaantooda qaataan.

Somaliland ayaa isku diyaarineyso doorashooyinka madaxtinimada Somaliland oo lagu wado in sanadka soo socdo ka dhacaan Somaliland.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here