Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Gelinkii Dambe Dalka Ku Soo Laabtay

Madaxwenaha dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee muqdisho kadib markii booqasho saddex Maalin ah oo uu ku tegay dalka Turkiga.

Madaxweynaha wuxuudalka Turkiga uga qaybgalay shirka Madaxda Afrika iyo Turkiga ee diiradda laga saarayey Wax soo-saarka Beeraha, waxayna booqashadan ay labada dal u aheyd fursad ay ku xoojiyaan iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya.

Sidoo kale, Wuxuu Madaxweyne farmaajo la soo kulmay Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayyib Erdogen iyo madaxda kale ee dalka Turkiga, wuxuuna heshiisyo iskaashi la soo galay dowladda Turkiga.

 

Dalka Turkiga ayaa si weyn u daneynaayo arimaha Soomaaliya iyadoo la ogyahay kaalinta uu Tukiga ku leeyahay dib u dhiska magaalada Muqdisho.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here