AQRISO Cadaalad Darada jirta iyo Jawaab La’aanta Madaxda Dowladda Federalka… (Muwaadin dhiban)

Cabdullahi Axmed Cabdullahi waa shaqsigii fashiliyey fadeexadii ka dhacday Bankiga dhexe 17-08-2016 markaas oo Bankiga la keenay lacag Faalso ah oo gaareyso ilaa 10 Kun oo Dollar, taasoo markii dambe keentay in la baaro Bankiga kadibna waxaa la helay ilaa 500 Kun oo Dollar oo Faalso ah.

Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa qasnajiyaashii Bankiga dhexe ee xilligii dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna shaqadiisa ku waayey daacadnimadii iyo muwaadinimadii uu muujiyey xilligii la dhici rabay Hantida qaranka.

Markii uu Cabdullaahi shaqadaas u qabtay qaranka, lana badbaadiyey lacagtaas, waxaa shaqa joojin ku sameysay guddoomiye ku xigeenka Bankiga dhexe Maryan Cabdullaahi Yuusuf oo ku qabsatay sababta uu arrintaan u fashiliyey.

Cabdullahi Wuxuu u sheegay inuusan qarankiisa dhaafsaneynin laaluush, kadibna waxay u sheegtay inuu isaga tago shaqada, wixii markaas ka dambeeyana wuxuu dacwadiisa geystay.

Cabdullaahi ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay inay maxkamadda sare xukun soo saarto, taasoo lagu amray in shaqadiisa dib loo siiyo isla markaasna Maryan ay bixiso lacag ganaax ah, Maadaama ay tacadi ku sameysay

Markay sidaas dhacday kadib, waxaa la laaluushay Maxkamadda sare, kadibna waxaa dariishada laga tuuray xukunkii maxkamadda ee cadaaladda ahaa, balse markii dambe la dhaafsaday lacag (xitaa Muwaadinka dulman af cad ayaa loogu sheegay in maxkamada lacag loo laabay).

intii ay jirtay xukuumadda cusub ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu Cabdullaahi ago’aansaday inuu waraaq cabasho ah u diro Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaare Kheyre.

Balse nasiib darro ilaa hadda wax jawaab lagama bixin falka tacadiga ah ee lagula kacay muwaadinkaan badbaadiyey hantida qaranka oo gaareeysa malaayin Dollar. 

Hada Cabdullahi oo caruur leh Wax shaqo ah ma haayo, madama shaqadiisa looga eryay daacadnimo uu muujiyay.

Dhibane walaalkeen Cabdullahi halkii bilad sharaf laga siin lahaa ayaa shaqadiisa laga qaaday, misana xaqiisa lagu tuntay.

Farmaajo waxba kama haleen Dhibane Cabdullahi lakin inuu wax u qabto ayaan rajeynayaa, madama madaxweynaha uu inbadan ka hadlay Masuq-Maasuqa.

Goormee dhamaan doontaa Cadaalad darada ka jirta Somaliya ? Muwaadinkaan dulman soo xaq uma lahan inuu shaqadiisa dib u helo ? Waaka xumahay runtii.

Dhexda: C/laahi Qoslaaye
Sawirka dhexe: C/laahi Qoslaaye
SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here