Dhageyso Mid Ka Mid Ah Fanaaniintii Aasaasay Fanka Casriga Ah Ee Afka-Soomaaliga Oo Geeriyooday

Waxaa shaley magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ku geeriyooday Alle ha u naxariiste Rashiiid Bullo Ibraahim oo ka mid ahaa fanaanniintii aasaaska u ahaa fanka casriga ah ee Qowmiyadda Af-Soomaaliga ku hadasho.

Alle ha u naxariiste Rashid Bullo wuxuu ka mid ahaa fanaaniinta mudo ka badan nus qarni ku soo dhexjiray fanka Soomaaliyeed, wuxuu fanka ka bilaabay garaacida muusiga isagoo markii danbana noqday heesaa iyo mu’alif caan ah.

Marxuum Rashiid Bullo Ibraahim waxa uu dhashay sanadkii 1936, wuxuu shaqadii ugu horeysay ka qabtay Radio Hargeysa oo la aasaasay xiligii Ingiriiska uu gumeysanaayey Somaliland(British Somaliland).wakhtigii la furay dhawr iyo afartankii.

Wuxuu ka tirsanaa Rashid Bullo kooxdii Walaalaha Hargeysa oo ahayd kooxdii ugu horeysay ee laga aasaasay geyiga Soomaalida degto ee Bariga Afrika. Kadib Midowgii labada Soomaali ee Birtish Somaliland iyo Italian Somaliland wuxuu ku biiray oo uu ka mid noqday hoboladdii Waaberi oo ka dhisnaa magaalada Muqdisho.

Heesaha uu leeyahay ee ugu caansan waxaa ka mid ah heesta “Tani waa Hargaysa oo hirarka gaaban idinkala hadlaysa ee habeen waneegsan”, iyo heesta kale ee “Sida ayre geeloo, oomane ku’raagtoo, haro hidhanka joogiyo, deegaahn arkaysaan, La’aroorin waayahaan, kuu’uugaabayaayoo, uurkaa ku’tabayee. Ambaqaado inanyahow, waxan aan lalwalayee, naftan ku’ogalaataan u’arimi ku’leeyee. Aaragaagu waa ii sida, illa biya’leh iyo, onkad igu’hillaacee“.

 

Hoos ka dhageyso wareysi uu Wariyaha Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da Axmed Saciid Cige uu AUN Rashiid Bullo la yeeshay sanadkii 2013-ka.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here