Labo Qof Oo Caawa Fiidkii Lagu Dilay Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Sh/hoose

Waxaa caawa fiidkii magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose lagu dilay labo nin oo Jaadley ah(Qaadka ka ganacsado).

Kooxo hubeysan ayaa labada nin ee la dilay ugu tagay goob ay ka seexan jireen magaalada Marka. Labadan nin ayaa maandooriyaha Qaadka Doon ku keeni jiray magaalada Marka kaasoo ka yimaado dhanka magaalada Muqdisho.

Shacabka magaalada Marka oo aan wax ka weydiinay dhacdadan ayaa noo sheegay in ragga la dilay aysan u dhalanin magaalada Marka balse ay ahaayeen rag u imaan jiray kaliya arimo la xiriiro ka ganacsiga maandooriyaha Qaadka.

Magaalada Marka ayaan lahaynin maamul dowladeed oo shaqeynaayo iyadoo xaafadaha dhexe iyo waqooyiga magaalada ay ku sugan yihiin maleeshiyada kooxda Alshabaab iyo maleeshiyaad ka amar qaato hay’adda Swisso Kalmo oo uu leeyahay nin ka soo jeedo gobolada dhexe .

Ma la garanaayo heybta kooxaha dilka geystay, balse waxaa loo maleynayaa in dilkan ay ka dambeeyeen maleeshiyada kooxda Alshabaab kuwaasoo ku xooggan goobta uu dilka ka dhacay.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here