Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Wado Inuu Booqdo Magaalada Addis Ababa Ka Hor Shirka London

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia Maxamed C/laahi farmaajo ayaa lagu wadaa inuu booqasho rasmi ah ugu ambabaxo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Ilo diblomaasiyaad oo aad ugu dhow Villa Somalia ayaa banaanka u soo dusiyey in madaxweyne Farmaajo uu booqashu ku tagi doono magaalada Addis Ababa ka hor inta uusan u ambabixin shirka London.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu tiriyaa mid siyaasadiisa ay aad uga fogtahay Itoobiya oo ah dowlad galaangal iyo saameyn balaaran ku lahayd madaxdii soo martay Soomaaliya tan iyo markii ay dhacday dowladdii Marxuum Maxamed Siyaad Barre.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here