Xildhibaankii Xaley Muqdisho Qaraxa Lagula Eegtay Oo Sheegay In Arimo Siyaasadeed Loo Beegsaday

Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Maxamuud Abuukaate) oo ka tirsan baarlamaanka  Federalka Soomaaliya oo xalay ka badbaaday isku day dil kadib markii gaarigiisa qarax loogu xirey ayaa sheegey in qaraxaasi uu ahaa mid siyaasadeysan isla markaasina uu qabsanayo qareen u dooda si loo ogaado ciddii falkan ka dambeysey.

Waxaa ku geeriyooday qaraxa lala eegtay xildhibaanka labo qof oo ka mid ahaa ilaaladiis.

“Qaraxa waxaa uu ahaa mid aniga la doonayay in waxyeelo la igu gaarsiiyo, balse laba ka mid ah ilaaladeyda ayaa ku dhaawacmay” ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo warbaahinta maxalliga la hadlay.

Hadalka xildhibaanka ayaa waxa uu imanaya xili magaalada Muqdisho lagu laayay xildhibaano badan balse aysan jirin kiisaskaasi cid loo soo qabtay ama la ogaaday cidda ka dambeysa, mararka qaarkoodna waxaa aad loo tuhmaa in arrimo siyaasadeed ay ka dambeeyaan dilalka maadaamaa dilalka xildhibaanada ay kusoo beegmaan xiliyada xaaladaha siyaasadeed ama mooshinada ay magaalada Muqdisho ka jiraan.

Guddoomiyaha degmadda Hodan Axmed Salaad Ibraahim ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo gaar ah oo lagu ogaanayo kooxihii ka dambeeyay Qaraxa miino.

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in Madaxweyne Farmaajo xilligii uu ku guda jiray ololaha doorashada inuu balan qaaday in amniga Xildhibaanada uu xil iska saari doono, balse haatan ay muuqato dayacaad iyo is xil saarid la’aan.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here