Gabar 12 Sano Jir Ah Oo Lagu Kufsaday Magaalada Muqdisho

Wararka aan ka heleeyno degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in nin da’diisa lagu qiyaasay 33 sano jir uu kufsaday gabar saqiir ah oo da’deeda lagu sheegay 122 sano jir ah.

Hooyada dhashay gabadha la kufsaday oo lagu magacaabo Raxmo Shiikh ayaa Warbaahinta maxalliga ah ee magaalada Muqdisho u Xaqiijisay in falkaasi uu dhacay isla markaasina murugo badan uu ku reebay qoyskooda.

Raxmo Shiikh  waxay sheegtay inay aad kaga xuntahay dhacdada gabadheeda ku dhacday  waxayna sheegtay in ninka gabadha kufsaday uu dhahay gabadhaada waxaan kuugu soo dhiibayaa raashiin sidaasina ay ku raacday.

Maamulka degmada Kaxda ayaa la xaqiijiyey inuu gacantooda ku jiro dambiilaha gabadhan yar dhibkaas u geystay.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here