Waqtiga Uu Madaxweyne Farmaajo Booqanaayo Magaalada Addis Ababa Oo La Shaaciyey

Diblomaasiyiin Soomaali iyo Ajnabi isugu jira ayaa xaqiijiyay ayaa xaqiijiyey waqtiga lagu wado in madaxweyne Farmaajo booqasho uu ku tagaayo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Wakaaladda Wararka dalka Turkiga Anadol oo xiriiro la sameysay diblomaasiyiin Ajnabi iyo Somaliba leh ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu matiqaad rasmi ah ka helay madaxda dalka Itoobiya, waxaa ayna booqashada madaxweynaha ee Addis Ababa ku beegan tahay 3-da ila 5-ta bisha MAY ee soo socoto.

Sida lagu daabacay Wakaalada Wararka Anadolu, Diblomaasi sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu marti qaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha dakka Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Madaxda Itoobiya iyo soomaaliya ayaa waxaa xoogga lagu saari doonaa arimaha Amniga iyo kaalmeynta shacabka Soomaaliyeed ee abaaraha iyo colaadaha halakeeyeen.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa noqoneyso tii ugu horeysay ee uu ku tago magaalada Addis Ababa ee Caasimada Itoobiya.

 

 

 

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here