Dhageyso Maleeshiyaada Alshabaab Oo Gobolka Sh/hoose Ku Dilay 2 Caruur Isla Markaasina Gubay In Ka Badan 10 Guri Oo Dad Shacab Ah Lahaayeen

Gudoomiyaha degmada lambar50 Jeneral Cabdullaahi Waafoow oo la hadlay warbaahinta Radio Danan ayaa ka warbixiyey dagaallo xaley ka dhacay deegaano hoosyimaado degmooyinka Lambar50 iyo Marka ee gobolka Sh/hoose.

Gudoomiye Waafow ayaa maleeshiyada Alshabaab ku eedeeyey inay gubeen in ka badan 10 Guri oo ay la haayeen dad Shacab ah.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa dhowaanahan si khaas ah u beegsaneysay shacabka xoolaley iyo beeraleyda ah ee ka soo jeedo beesha Biimaal iyadoo maalmihii la soo dhaafay Shabaab ay qunsadeen xoolo badan oo ay lahaayeen shacab ka soo jeedo beesha Biimaal.

Hoos ka dhageyso codka gudoomiye Waafow

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here