Kooxda Alshabaab Oo Xukuno Dil Ah Oo Isugu Jiro Toogasho Iyo Rajmi(Dhagax ku dilid) Ku Fulisay Labo Qof

Maleeshiyada Alshabaab ayaa maanta labo qof ku dilay fagaare ku yaala deegaanka Buqaqable ee gobolka Hiiraan. Labada qof ee la dilay ayaa midkood lagu soo eedeeyey Kufsi halka midka kalena loo dilay inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda Federalka.

Mid ka mid ah ragga la dilay oo lagu magacaabo Axmad Ibraahim Raagoow ayaa lagu soo eedeeyey inuu kufsi u geystay haweeney ku nool deegaanka Buqable iyo inuu dilay qof haweeneyda ehelkeeda ah oo isku dayey inuu ka celiyo, waxaana ninkan lagu fuliyey xukun rajmi ah(dhagax ku dilid).

Nin kale ee Alshabaab dileen maanta ayaa lagu magacaabayey Yuusuf Cali Bajiin oo 22 sano jir ah, waxaana ninkan loo dilay kaliya inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda Federalka.

Dadweyne farabadan ayaa laga soo saaray xaafadaha deegaanka Buqable si ay u arkaan qaabka loo fulinaayey dilka labada qof ee maanta lagu dilay halkaasi.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here