Dilal Siyaabo Kala Duwan Maanta Uga Dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay Dilal kala duwan oo ka kala hacay dhacay  Degmooyinka Wadajir iyo Hiliwaa.

Dabley Bistoolado ku hubaysan ayaa Maanta Xaafada Xaawo Taako ee Degmada Wadajir ku dilay Askari ka tirsan Ciidanka Asluubta Dowladda Federaalka kaasi oo ku sugnaa agagaarka Laamiga. Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay kadib markii howshooda ay qabsadeen.

Dhanka kale, Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa ayaa waxaa ka dhacay dil kale oo loo geystay Wiil dhalinyaro ah oo watay Mooto, Wiilka la dilay ayaa waxaa la sheegay inuu xiliyada qaar Mootada ka kirayn jiray Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Xaafadda Suuqa Xoolaha iyo Isgoyska Soos.

waxaa Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya kusoo badanayo dilalka qorsheysan ee loo geysanaayo shacabka rayidka ah iyo shakhsiyaadka xiriirka leh dowladda iyo ciidamdeeda.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here