Maamulka GalMudug Oo Maanta Madaxweyne Cusub Yeeshay

Waxaa madaxweynaha Galmudug loo doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf ooo doorasho saakey ka dhacday Cadaado ka helay 55 cod.

Mudane Xaaf oo ka mid ahaan jiray hogaamiye kooxeedyadii hubka badan ku haystay Koonfurta Soomaaliya ayaa maanta ka guuleystay Axmed Shariif Cali Hilowle oo la tartamayey. Axmed Shariif oo ah ninka looga adkaaday wareegga labaad ee doorashada ayaa helay 34 cod.

Natiijada doorashada oo aanan weli si rasmi ah aysan u shaacin gudiga doorashada GalMudug ayaa waxaa hoolka doorashada ka ka bilowday dabaal-degyo iyo sacabin la taageerayo Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here