Madaxda Maamul Goboleedyada Ayaa Laga Saaray Gudiga Amniga Qaranka Oo Dhowaan Lagu Daray

Baarlamaanka Federaalka iyo golaha wasiirada ayaa isku waafaqay in hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada laga saaro Guddiga Amniga Qaranka.

Shirkii Hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga ayaa lagu go’aamiyey in madaxda maaml goboleedyada ka mid noqdaan Gudiga Amniga Qaran ee dhawaan xukuumadda diyaarisey.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa buuq ka keenay in Gudiga Amniga Qaran lagu soo daro madaxda maamul goboleedyada, arintan waxay sababatay in qodobadii ka soo baxay Shirkii Madasha ee dambeeyey qaarkooda wax laga bedalo.

Tusaale ahaan, haddii madaxweynaha maamul goboleedka uu cabasho ka qabo Taliyaha ciidamada qeybta uu maamulkaasi ka taliyo, waxa uu cabashada usoo gudbin doonaa Taliyaha guud ee ciidamada xoogga dalka kaasi oo dhankiisa inta la tashta wasiirka Gaashaandhiga markaasi kadibna qaadi doona hadba talaabada ku habboon.

Waxaa Sidoo kale la bedelay tiradii 18 kunka ahayd ee ciidamada Milateriga dowladda oo la aarsiiyey ilaa 32 kun Askari.

Qorshahan cusub ayaa la geynayaa Shirka London ka dhacaayo ee Maalgelinta iyo Arimaha Amniga Soomaaliya la xiriiro looga hadli doono.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here